Safarka Xamse Cabdi Barre ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee ka socda dowladda Soomaaliya uu ku tago magaaladan tan iyo burburkii dowladdii kacaanka. Safarkan ayaa yimid kadib markii Laascaanood ay horraantii sannadkii 2023 ka baxday gacanta Somaliland, kadib muddo 15 sano ah oo ay ka talinaysay magaalada.
โWaxaan ku faraxsanahay in aan maanta idinla joogno, waanan idinla joogi doonaa. Wixii is-waraysi ah, kaftan, sheeko iyo wax-qabadba waynu iskugu iman doonaa. Booqashadeenani waxay xambaarsan tahay midnimo iyo walaaltinimo Soomaaliyeed,โ ayuu ku yidhi Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, hadal kooban oo uu kumanaan shacab ah ugu jeediyay magaalada Laascaanood.
Maamulka SSC-Khaatumo oo haatan ah ku-meel-gaadh, balse rajo ka qaba in uu aqoonsi buuxa ka helo Dowladda Federaalka, ayaa socdaalka Xamse Cabdi Barre u arka mid muhiim ah, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay qabanqaabada soo dhoweyntiisu ka socotay magaalada Laascaanood.
Kahor safarka Raโiisul Wasaaraha, waxa magaalada soo gaadhay wufuud iskugu jirta wasiiro, xildhibaano, taliyayaal ciidan, wariyayaal iyo dad kale oo baraha bulshada caan ka ah, kuwaasoo usii gogol-xaadhayay socdaalka Xamse Cabdi Barre.