Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Cabdullaahi Saalim Al-Nucaymi iyaga oo kawada hadlay arrimo badan.
Kulanka waxa si gaar ah diiradda lagu saaray Xamsa iyo Al-Nucaymi xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya & Qatar, Amniga, Tababarka Ciidanka qalabka sida, Horumarinta Adeegyada aasaasiga & Gargaarka.
Xamsa ayaa u mahadceliyay Xukuumadda Dooxa isaga oo sheegay in door firfircoon ay ku leedahay horumarinta adeegyada kala duwan ee muhiimka ah, waxa uu ka rajeeyay in ay xoojiso dedaalkeeda sida uu hadalka u dhigay.
Danjire Al-Nucaymi ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisa Qatar ay xoogga saareyso sidii ay usii kordhin lahayn garab istaagga Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah Mashaariicda qabyada ah iyo kuwa aan weli lagu dhaqaaqin.