Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xarunta lagu soo kordhiyay Isbitaalka Madiina ee loogu talagalay in lagu dabiibo dhaawacyada si gurmad degdeg ah loogu fidiyo ayaa bogaadiyay howshaan.
Xamsa ayaa tilmaamay in cashar laga bartay qaraxyadii Dalka ka dhacay oo la diyaariyay xubno Guddi ah si degdeg ah u sameeya gurmad, goob caafimaad oo ku habboon dhaawacyada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah sida ugu dhaqsiyaha badan loo helo.
Shacabka ayuu ka dalbaday in ay xoojiyaan la shaqeynta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda maadaama isku duubni lagu gaari karo hadafka ah in laga soo kabto dhibaatooyinkii Dalka soo maray sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
“In aan is difaacyo ayaa loo baahan yahay, mar haddii maantaba halkaan joogno oo aan casriyeynay gurmadkeenna degdega ah waxa ay ina tuseysaa meesha aan u socono, Isbitaalkeenna qalabka yaalla waxaa la igu sheegay in uusan yaallin xitaa bariga Afrika” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Waxa uu ka hadlay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo qorshaha cusub ee socda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ciidamada ku dhiirrageliyay howlgallada ay wadaan.
Guddiga Gurmadka Qaranka ee horay loo magacaabay ayaa hirgeliyay xarumo loogu talagalay in ay ka jawaabaan xaaladaha degdega ah sida Bangiga Dhiigga lagu keydiyo, goobaha Caafimaadka ee bukaannada lagu daweeyo & xarumo kale.