Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarig jaray xarunta gurmadka degdegga ah ee Isbitaalka De Martino ee Magaalada Muqdisho oo si casri ah loo dhisay.
Wasiirka 1aad ee XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xaruntaan wax weyn ay soo kordhin doonno, isaga oo rajeeyay in laga heli doonno adeeg caafimaad oo horumarsan lana jaanqaadaya dunida casriga ah.
Waxa uu u mahadceliyay cid weliba oo gacan ka geysatay hirgelinta xarunta gurmadka degdegga ee Isbitaalka De Martino, si gaar ah Dowladda Qatar ayuu ku bogaadiyay kaalmada ay la dhinac taagan tahay Soomaaliya.
Xaruntaan ayaa loogu talagalay in ay gurmad degdeg ah ku helaan dadka dhaawacyada soo gaara, si casri ah ayaa loo dhisay meelaha loogu adeegayo bukaannada, sariirrada ay jiifanayaan & agabka kale ee qalliinnada loo adeegsanayo.