RW Xamsa oo sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka la doonayo in Qaranka lagu horumarinaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029), oo ay shaqadiisa ka socda xarunta Afisyoone.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa warbixin ka dhagaystay hawlwadeennada hormuudka ka ah Barmaajka Qorshaha Isbeddelka Qaranka, isaga oo  kormeeray Sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto.

Sidoo kale, Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa xarunta, waxa uu ka qaybgalay dood wadaag oo ay yeesheen Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiirta iyo Ganacsatada, kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Dhanka kale, Ra’iisul waraaha ayaa tilmaamay in dalka loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in Qaranka lagu horumariyo.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029), ayaa shaqadiisa loo si dardar leh, iyada oo qorshaha yahay in uu dalka ku hoggamiyo waxqabad muuqda oo ay bulshada ku diirsato.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed