RW Xamsa oo sagootin ah u sameeyey Safiirka Türkiye ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan saagootin ah la qaatay Safiirka sii baxaya ee Dowladda Türkiye u joogay Soomaaliya, Ibrahim M. Yagli.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Danjiraha muddadii uu ka howlgalayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Safiirka sii baxaya ee Türkiye, Ibrahim M. Yagli, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu garab istaageen gudashada waajibaadkiisa.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Türkiye ay tahay saaxiib dhab ah oo is-garab taagay Soomaaliya xilliyo adag oo ay soo martay iyo hadda oo lagu soo xadgudbay Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed