RW Xamsa oo dhagax-dhigay Dhismaha cusub ee Garsoorka Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Garsoorka Dalka oo weliba loo dhisayo si casri ah oo la jaanqaadaya hannaanka dalalka horumaray.

Xamsa oo dhinacyadiisa ay taagnaayeen Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macallin, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Saciid Cali Maxamed.

Waxa uu madasha ka sheegay in xaruntaan muhiimad gaar ah u leedahay hannaanka lagu casriyeynayo Garsoorka Dalka si loo kordhiyo adeegga Bulshada ee Hay’adahahaan u hayaan sida uu hadalka u dhigay.

“Hirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis la’aan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.” RW Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa horay u sheegay in Xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ka shaqeyneyso dardargelinta Amniga, Doorashooyinka, Garsoorka Dalka iyo qodobo kale oo muhiim u ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed