Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u safray Dalka Morocco ee Waqooyiga Qaaradda Afrika kaddib markii uu martiqaad ka helay Boqorka Dalkaas.
Xamsa Cabdi Barre ayaa kamid ah madax ka kala socota 120 Dal oo ka qaybgalaya shirka looga hadlayo isbaddelka Xawliga ku socda ee Siyaasadda Caalamka, Mustaqbalka Amniga, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Dalalka Adduunka.
Waxa uu kulamo la qaadan doonnaa madaxda kala duwan ee shirka 17aad ee MEdays ka qaybgalaysa, sidoo kale waxa uu qaabili doonnaa Madaxda Morocco iyada oo lagu wado in uu khudbad uu uga hadlayo Soomaaliya uu ka jeedin doonna.
Martida ka qaybgalaysa ayaa ka kala imaanaysa Dalal dhaca Qaaradaha Afrika, Aasiya, Laatiin Ameerica & Dalal kale oo jasiiro ku jira kuwaas oo danaynaya arrimaha muhiimka ah ee caalamka la xiriira ee shirkaan looga hadlo.

