Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025ka ilaa 2029 si horumar looga sameeyo dhinacyada muhiimadda la saarayo.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa โDhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo loo simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan & Isla Xisaabtanโ sida hadalka loo dhigo, waxaa ka qaybgalay masโuuliyiin kala duwan oo lagu martiqaaday.
Meelaha sida gaarka ah indhaha looga hayo istaraatiijiyaddaan ayaa ah Haweenka, Carruurta iyo Dadka kale ee nugul si ay u helaan caddaalad u hiilisa sida ay sheegeen masโuuliyiin katirsan Xubnaha shirkaan soo abaabulay.
Xamsa ayaa tilmaamay in Meel weliba wax ka qaban yihiin kuna jiraan waqtiga dhismaha lagu sameyn lahaa si looga gudbo caqabadaha, isbarbardhig ayuu ku sameeyay sanadihii u dambeeyay si loo arko farqiga jira.