RW Xamsa iyo Firdhiye oo Laascaanood ka dhagaxdhigay 8 Mashruuc

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC—Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo.

Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiisk Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay dhagax dhigay Mashaariicdaan ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.

Hadddaba maxay yihiin 8 Mashaaric ay wada dhagax dhigayn Xamsa iyo Firdhiye

  1. Madaxtooyada Maamulka SSC-Khaatumo
  2. Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda, laanta Laascaanood
  3. Xarunta Booliska SSC-Khaatumo
  4. Xarunta Cilmiga Farsamada Gacanta ee Sayid Maxamed
  5. Waddo laami ah oo isku xiri doonta Samakaab iyo Buuhoodle
  6. Xafiisyo kala duwan oo ay ku shaqayn doonaan maamulka SSC-Khaatumo
  7. Xarunta Qaran ee Gurmadka degdegga ah (SODMA)
  8. Isbitaalka dowladda SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka. sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Sida la rumaysan yahay mashaariicdaan ayaa isbadal ballaaran ka sameyn doona maamulkaan curdunka ah ee dhawaan hana qaaday, dowladda Soomaaliya ayaa weli si rasmi ah ugu aqoonsan maamul la mid ah kuwa dowlad gobaleedyada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed