Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSCโKhaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo.
Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiisk Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu sheegay in Raโiisul Wasaaraha mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay.
Hadddaba maxay yihiin 8 Mashaaric ay wada dhagax dhigayn Xamsa iyo Firdhiye
- Madaxtooyada Maamulka SSC-Khaatumo
- Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda, laanta Laascaanood
- Xarunta Booliska SSC-Khaatumo
- Xarunta Cilmiga Farsamada Gacanta ee Sayid Maxamed
- Waddo laami ah oo isku xiri doonta Samakaab iyo Buuhoodle
- Xafiisyo kala duwan oo ay ku shaqayn doonaan maamulka SSC-Khaatumo
- Xarunta Qaran ee Gurmadka degdegga ah (SODMA)
- Isbitaalka dowladda SSC-Khaatumo.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka. sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.
Sida la rumaysan yahay mashaariicdaan ayaa isbadal ballaaran ka sameyn doona maamulkaan curdunka ah ee dhawaan hana qaaday, dowladda Soomaaliya ayaa weli si rasmi ah ugu aqoonsan maamul la mid ah kuwa dowlad gobaleedyada.