RW Xamsa: “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in ‘AS’ Dalka laga tirtiro”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ Xoogga la saarayo si gaar ah deegaannada ay weli ka joogaan Gobollada Dalka.

Xamsa ayaa sheegay in Ahmiyadda koowaad ee Xukuumaddiisa Dan Qaran ay tahay xoojinta Amniga sidaas awgeed lagu gaari karo in la kordhiyo howlgallada ka socda deegaannada ay weli maamulayaan ‘AS’.

Muddo dheer ayuu sheegay in ‘AS’ ay weerarro iyo qaraxyo geysanayeen balse xaaladdu isbaddeshay kaddib markii lagu weeraray goobaha ay kasoo duullaan tagayeen lagana qabsaday sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

“Dowladda Federaalka haddii ay tahay heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed waxaa ka go’an in ‘AS’ Dalka laga tirtiro, halkaan Buulo Xaaji oo muddo dheer ay degenaayeen Dadkii degenaayeen way la hareen oo Biyihii iyo Baadkii ayay ka jareen, Maalintii koow la imaanayay xitaa sawirka Dadka uu isbaddelay” RW XFS Xamsa Cabdi Barre.

Hadalkaan waxa uu Ka sheegay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre kulan uu la qaatay ciidamo isugu jira Kumaandooska DANAB & kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee fadhigoodu yahay Buulo Xaaji Gobolka Jubada Hoose.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed