RW Xamsa Cabdi ” Waxaanu gaarnay go’aan aanu ku yeelanayno walaal dhab ah ”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo faah-faahin ka bixiyay heshiiska Golahiisa Wasiirrada ku ansixiyeen fadhi maanta ay yeesheen ayaa ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo Dalka iyo Dadba dan u ah.

Waxa uu ku sifeeyay mid meesha ka saaraya in la damco Badda Soomaaliya, sidoo kale sun lagu shubo isla markaana ay noqoto goob saldhiggeedu ah burcad badeed ama waxa loogu yeero Argagixisada sida uu hadalkiisa u dhigay.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya uu heshiiskaan ka saarayo kali socodka isaga oo ku tilmaamay in ay heleyso saaxiib ama garab istaag muuqda oo ay ku hoos qarsan yihiin dib u dhiska ciidamada & qalabayntooda.

“Heshiiska Difaaca & dhaqaalaha waxa uu soo afjarayaa in baddeenna aan uga baqno Xadgudub, sun lagu shubo, burcad badeed & Argagixiso, heshiiskani waxa uu suuragelinayaa, dhisayaa oo qalabaynayaa ciidankeenna badda si ay ula wareegaan difaaca Baddeenna” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Jamhuuriyadda Turkiga ayuu ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya doorka garab istaaggooda kasoo billowday kaalmada xaaladdii adkayd ee sanadkii 2011kii Dalka soo wajahday isla markaana dunida inteeda kale ay tusiyeen in indhaha lagu soo jeediyo.

Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaray ciidamada Kumaandooska Gorgor oo qalabka ay ku howlgalaan ay siisay Dowladdaas, sidoo kale waxa ay tababartay ciidanka Booliiska gaarka u tababaran ee Haramcad iyo saraakiil ciidan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed