RW Ku-xigeenla dalka Saalax oo gaaray Magaalada Jowhar

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowladd Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe iyo qaar kamid ah golihiisa Wasiirrada.
Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ahaa u kuur-gelidda xaaladda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deeggaanada Hirshabeelle iyo daah-furka mashruuca biyo xidheenka Jowhar (Sabbuun).

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed