RW ku xigeenka Somaliya oo Addis kula kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda ee QM

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda ee Qaramada Midoobay Jean Pierre Lacroix, iyagoo kawada hadlay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya Iyo guud ahaan geeska Africa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac waxaa kulanka kala qayb galay Danjiraha JFS ee Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa, La taliyaha Amniga Ra’iisal Wasaaraha XFS Kamaal Daahir Guutaale iyo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheikh.

Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo weftigiisa ayaa shalay ka qeyb galay kalfadhiga 37-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika, isagoo madasha shalay ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay, damaca gurracan ee Ethiopia iyo guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagaxisada.

Addis Ababa waxaa ka socda shirka Midowga Afrika,waxaa halkaas kuwada sugan madaxda waddamada Afrika, Soomaaliya shirkaas waxaa ku matalayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, balse markii dambe isaga soo tagay ka dib markii is-hor istaag ay sameeyeen ciidamada Itoobiya, taas oo sababtay in Madaxweynaha dalka dib ugu soo laabto.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed