Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah furay Mashruuca Ugbaad oo ah barnaamij lagu horumarinayo Beeraha si ay iskaga caabiyaan isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.
Mashruucan ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay xoojinta adkeysiga bulshooyinka iyo nidaamyada beeraha si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada, iyadoo la kaashanaayo dadaalada dib u habaynta dhulka si loo yareeyo saameynta taban ee cimilada.
Sidoo kale, Saalax Jaamaca ayaa sheegay in mashruucaan ay ka faa’iideysan doono ku dhawaad 2 milyan oo qof, isaga oo taageeri doona dib u soo celinta iyo maareynta waarta ee dhul wax soosaar leh.
Dhanka kale, munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Safiirro iyo Mas’uuliyiin kale.
Masruucaan ayaa la ansixiyay 24-kii Oktoobar 2024 intii lagu jiray kulankii 40-aad ee Guddiga Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (GCF) oo ka dhacay Songdo, Koonfur Kuuriya.