Raโiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay wareysigii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu siiyay mid kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee Germany kaa uu ugu sheegay in Soomaalida qaxootiga ku ah uu dalkoodi dib ugu celinayo isagoo arintaasi kala heshiiyay dowladda Germany.
Xasan Cali Kheyre ayaa bartiisa X soo dhigay qoraal dheer uu ku dhaliilayo Dowladda federaalka inaysan haynin qorshe saxan oo lagu maareeyn karo hadii qaxootiga dib loogu soo celiyo dalkoodi waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay goโaanka uu madaxweynaha ku aqbalay in Soomaalida dib dalkoodi loogu soo celiyo.
Kheyre waxa uu yiri : โMadaxda dowladda waxaa masโuuliyad qaran ka saaran tahay in ay wax ka beddelaan duruufaha murugsan ee sababay in dadkeennu qaxooti ku ahaadaan qurbaha, dadka Soomaaliyeedna u abuuraan rajo iyo mustaqbal ifaya, oo dadka dalka ku nool ku dhiirrigelinaya in ay ku nagaadaan dalkooda hooyo, ayna ku soo hiran karaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku firirsan dunida dacalladeeda.โ
Waxa sidoo kale warbixintiisa uu kusoo qaatay saameynta culus ee ka dhalan karta qaxooti tirada intaas la eg hadii Soomaaliya lagu soo celiyo waxaana uu yiri โIn Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe laโaanta iyo masโuuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu goโaankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida.โ
Ugu dambeeyntii waxa uu madaxda qaranka ugu baaqay in ay marka hore u istaagaan diyaarinta qorshe qaran oo fursado nololeed iyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada ku nool gudaha dalka, xal waarana loogu helayo dhallinyarada dalka ka sii hayaamaysa inta aanan la qaadin tallaabooyin dalka dib loogu soo celinayo dad Soomaaliyeed oo qurbajoog ku ah dalka dibaddiisa.