RW hore Rooble “Wax aan shalay diiday yaan dadka dib loogu celin”

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay hadallada la xiriira in Dowladdu ku adkeysay Baasaboorka Diblumaasiga ayaa sheegay in saaxiibadiis kamid ah oo safarkiisa Koofurta Afrika kula qornaa ay u baaqdeen arrintaas darteed.

Rooble waxa uu kusoo celceliyay in uu ka gaabsaday soo bandhigista arrimaha abuuri kara rabshado ama buuq siyaasadeed sidaas awgeed marka uu Muqdisho dib ugu soo laabto kala hadli doonno Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dad badan ayaa isoo weydiiyay wixii maalmahaan dhacayay ee Baraha Bulshada looga hadlayay, aniga fidnada kama shaqeeyi, wanaagga Ayaan ka shaqeeyaa, caqabado ayaa dhacay sida ay rabaan ha u dhacaan, laga soo billaabo 1dii bishaan ilaa 21ka oo aan Koofur Afrika imaanay waxa aan isku daynay in aan dhib geysan oo wixii dhacay aan duub-duub u laqno, wixii dhacay Soomaaliya marka aan ku laabano Ayaan xalin doonnaa” Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku aqbsaday in aanay dalka dib loogu celin wax uu shalay diiday oo loo fasiray muddo kororsigii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuna qasbay in la aado Doorasho ugu dambeyn dalka ka dhacday.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa si cad u sheegay in marka uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho in uu la kulmayo Madaxda Dowladda Federaalka isla markaana uu kala hadlayo dhabbaha lagu socdo iyo wixii dhacay in aanay markale dib usoo laaban.

“Dowladda ay hoggaaminayaan Saaxiibadey waxa aan leeyanay wax aan shalay diiday yaan maanta dib loogu celin Dadka, marka aan Muqdisho tago saaxiibadey waan la kulmayaa, kuwa dhibka geystayna in aysan Dadku u dowladeen Ayaan rajeynayaa” Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed