Roobab khasaare geystay oo xalay ka da’ay Muqdisho

Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka da’ay roob xooggan oo saameyay isku socodka magaalada iyo goobaha muhiimka ah ee uu kamid yahay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Waddooyinka magaalada ayaa waxaa gooyay biyaha roobka, iyada oo gawaarida iyo dadka lugeynaya ka wareegayaan goobaha qaar.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in ay wadaan gurmadka loo sameynayo dadka uu saameeyay Roobka, gaar ahaan kuwa danyarta ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo Dowladda Federaalka ayaa tagey qaar kamid ah degmooyinka, iyaga oo sheegay in ay socdaan dadaallada samata bixinta.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed