Ugu yaraan 29 qof ayaa ka badbaaday ka dib markii diyaarad ku burburtay meel u dhow magaalada Kazakh ee Aktau, iyadoo laga cabsi qabo in rakaab ay ku dhinteen shilkan diyaaradeed.
Laba ka mid ah 29-ka qof ee badbaaday waa carruur, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dhammaantood loo qaaday isbitaal xaaladooda caafimaad loola socdo.
Muuqaal laga helay shilkan diyaaradeed ayaa waxaa ka muuqanayay dadkii ka badbaaday oo laga soo saarayo diyaarada dhacday.
Diyaaradda Azerbaijan Airlines ee J2-8243 oo ay saarnaayeen 67 rakaab ah, ayaa ka soo duushay caasimadda Azerbaijan ee Baku kuna sii jeeday Grozny ee gobolka Chechnya ee Ruushka ka hor inta aysan si degdeg ah ugu degin meel qiyaastii 3 kiiloomitir u jirta Aktau.
Wasaaradda Xaaladaha Degdegga ah ee Kazakhstan ayaa sheegtay in kooxaheedu ay heleen diyaaradda oo gubanaysa markii ay goobta timid iyada oo cutubyo samatabbixin ah ay damiyeen dabka.
Waaxda duulista hawada ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xogta hordhaca ah ay soo jeedinayso in duuliyuhu uu go’aansaday inuu si deg deg ah u dajiyo ka dib markii uu shimbiro ku dhaceen diyaarada.
Waxaa saarnaa 62 rakaab ah iyo 5 shaqaale ah, wasaaradda gaadiidka ee Kazakhstan ayaa ku sheegtay warbixin horudhac ah.
Waxa ay sheegtay in 37 ka mid ah rakaabka ay ahaayeen muwaadiniin Azerbaijan, lix u dhashay Kazakhstan, saddex Kyrgyzstan ah, iyo 16 u dhashay Ruushka, sida lagu sheegay xogta hordhaca ah.
Dowladda Kazakhstan ayaa u saartay guddi baaritaan ku sameeya waxa sababay burburka diyaaradda.