Ra’iisul wasaare Xamse oo u safray dalka Ciraaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Ciraaq.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu marti-qaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaasi, Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa dhigiisa dalkaasi iyo madaxda kale ee dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal,

Sidoo kale, waxaa labada mas’uul  ayaa ka wada hadli doona iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed