Ra’iisul wasaarayaal hore oo Garowe ka dagay

Masuuliyiin  isugu jira madax iyo siyaasiyiin waawayn ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Deni oo dhawaan mar kale dib loo doortay xilka ugu sareeya Puntland.

Waxaa horey magaalada Garowe u joogay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo wafdi ka socday Jubbaland.

Wafuudda maanta tagay Garowe waxaa kamid ah, raysal wasaarayaashii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Cali Gaas, iyo siyaasiyiin kale.

Horey waxaa magaalada Garowe u joogay raysal wasaarayaal hore Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdifaarax Faarax Shirdoon.

Sidoo kale, hoggaamiyaha SSC- Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye  ayaa kamid ah wafuudda tagay magaalada Garowe.

Lama oga in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu kasoo qeyb gali doono caleemo saarka madaxweyne Deni oo la ogyahay in labada masuul uu khilaaf ka dhexeeyo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed