Qoys lagu eedeeyey dhaqaale Ururinta Al-shabaab oo xukun lagu riday

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska loo heysto Xasan Cismaan Aadan, Labo Haween oo u dhaxay iyo Gabadhiisa kuwaas oo ku eedeysan in ay lacag dhowr iyo milyan oo Doollar ah u uruuriyeen ‘AS’ sida Maxkamadda laga hor sheegay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan oo ku dhawaaqay Xukunka ayaa sheegay in lagu helay afartaan eedeysane kiisaskii lagu eedeeyay ee ahaa in ay dhaqaalo u uruuriyeen ‘AS’

Xukunka Maxkamadda ayaa u dhacay sidaan:

Xasan Cusmaan Aadan ayaa lagu xukumay 13 sanno oo xarig ah iyo 20 kun oo dollar.

Faadumo Xasan Cusmaan, Aamina Abdullahi Abanuur iyo Xasana Aweys Khaasim ayaa lagu xukumay min laba sanno oo xarig ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed