Qof ku dhintay ka dib Gurmad uu u fidinayay wiil yar oo ku dhacay Boosaneer.

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in uu halkaas ku dhintay mid kamid ah Kooxaha Gurmadka Degdega ah ee Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo oo ku howlanaa badbaadinta Wiil yar oo ku dhacay Boosaneer.

Ku dhawaad 24saac ayuu Wiilkaas yar ku maqan yahay Boosaneerka (Suuliga) waxaana socda dedaal aan loo kala harin oo ay sameynayaan Dadka Deegaanka iyo Kooxaha Gurmadka Degdega ah ee Maamulka sida kumeel-gaarka ah u aqoonsan tahay Dowladda Federaalka.

Xaalku waxa uu sii adkaaday kaddib markii mid kamid ah Goobaha Gurmadka Sameynayay uu ku geeriyooday isla Boosaneerka, markale waxaa sii kordhay murugada & in ay sii liidato rejada laga qabo in lasoo helo Wiilka ku dhacay Godka Suuliga.

Dhacdadaan oo ka dhacday Xaafadda Bisha Cas waxaa goobta uu Wiilka yar ku dhacay ku sugan Dadweyne u badan kuwa Deegaanka si ay u ogaadaan howlgalkaas saacadaha badan qaatay ee la doonayo in lagu soo badbaadiyo Wiilkaas yar.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed