Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ku qasban tahay inay xirto dhammaan xarumaha lagu sameeyo rootiga ee Gasa, sababtuna tahay bur yaraanta ka dhalatay goโdoominta Israaโiil ee dhulkaas. Xarumahan ayaa muhiim u ahaa quudinta kumanaan qof oo reer Qaza ah . Israaโiil ayaa joojisay in muddo ah gargaarkii Qaza soo gali jiray.
Dhanka kale dowladda Israaโiil ayaa isku dayaysa inay iska difaacdo dilkii shaqaale caafimaad oo lagu dhex dilay gaari kuwa gurmadka degdega ah.
Afhayeen u hadashay hayโadda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa sheegtay in xidhitaankan ay saamayn doonto boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku tiirsan roodhida la dubo.
Israaโiil ayaa goโdoominta bilowday horraantii bishii hore si ay u kordhiso cadaadiska Xamaas ay ku doonayso in ay sii deyso la haystayaasha Israaโiil.
Joojinta gargaarka ayaa waxaa ay imika ka digayaan hayโadaha arrimaha binaโaadanimada in ay dhibaato wayn ka dhalan karto.
Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa isku dayay inay difaacaan falkii ay ka geysteen Gaza todobaad ka hor markii ciidamadooda ay rasaas ku fureen kolonyo gaadiid ah, halkaasi oo ay ku dileen shan iyo toban ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, shaqaalaha difaaca rayidka iyo shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.