Puntland ” Xasan Sheekh Doorasho qof iyo cod ah ma qaban karo xiligan ”

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkaan yiri, isagoo weriyayaasha kula hadlayay magaalada Garowe, waxa uu sheegay in aanay Soomaaliya ka jirin nabad galyo lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah.

“Xasan Sheikh isagoo aan waxba samaynin ayuu wuxuu leeyahay doorasho qof iyo cod ah ayaan qabanayaa. Hala ogaado, taas macnaheeda waxaa weeyaan, “xukunka waan kororsaday”. Inuu xukunkiii kororsaday waxaa kuu caddaynaysa markii uu laalay dastuurkii oo uu yiri golayaasha dowladdu ma jiraan,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland waxa uu sheegay in ganacsatadu ay diideen wuxuu ugu yeeray gabboodfalka dowladda, iyagoo albaabada u laabay ganacsiyadooda, markii ay xamili waayeen canshuuraha dowladdu kusoo rogtay, sida uu sheegay.

Eng. Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh aan laga sugaynin inuu 2026 dalka gaarsiiyo doorasho hufan.  Waxaa kaloo uu sheegay in uu madaxweynuhu laalay awooddii raysal wasaaraha, dalkana ay maamulayaan madaxweynaha iyo gabadhiisa.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aaday, kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan sheikh Maxamuud uu sheegay in aan dalku dib ugu laaban doonin doorasho dad ban.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed