Puntland oo xal ka gaartay xiisadii ka taagnayd magaalada Dhahar

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu yiri”Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.”

Warsaxaafadeedka ayaa ka soo xigtay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Haylaan, G/Sare Jaamac Maxamuud Gabayre in kooxahan abaabulan ay isku dayayeen in ay carqalad ku abuuraan amniga iyo xasilloonida gobolka, hase yeeshee ciidanka booliska iyo kuwa amniga ayaa si geesinimo leh uga hortageen

“Ciidanka Booliska Puntland waxay mar kale shacabka reer Dhahar ugu baaqayaan in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, ayna si degdeg ah ugu soo wargeliyaan cid kasta oo laga shakiyo falal amni-darro ah. Ciidanka Booliska Puntland waxay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo nabadgelyada, sharciga, iyo dowladnimada Puntland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Booliska.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed