Puntland oo xal ka gaartay cabashada ciidamadii ku dhaawacmay Cal-miskaad.

Xukuumadda Puntland ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay cabasho ka soo yeertay qaar kamid ah ciidamadii ku dhaawacmay dagaalka Cal-miskaad ee ku sugan Magaalada Boosaaso.

Guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka Puntland, maamulka degmada Boosaas iyo xubno katirsan guddiga taakulaynta ciidamada oo gaarey cisbitalka guud ee Boosaaso ayaa xalliyey dhammaan cabashadii ciidamadu ay qabeen, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dhaawacyadu.

“Wixii dhaawac ahaa hadda ayaa loo shaqaynayaa wixii dibadda ahaana waa la qaadayaa anaga iyo dowladduna waa isfahanay cidkale oo aan waxka rabno majirto, saaxiibadeena waxaan leenahay waa guulaysanay ee haraadiga soo afjara”, Ayuu yiri mid kamid ah ciidanka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed