Puntland oo warqad udirtay Saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaliya

Puntland ayaa codsi degdeg ah u dirtay Saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, iyagoo u gudbisay codsi ku aaddan in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada bani’aadantinimo, midda Horumarinta iyo taageerada Miisaaniyadda Soomaaliya.

Puntland waxay walaac xooggan ka muujisay inay dowladda federaalka Soomaaliya siyaasadayn xooggan ku sameysay kaalmada deeq-bixiyayaasha caalamka, iyo in taageero miisaaniyadeed lasoo mariyo bangiyada Puntland.

“Waxaan u kuurgalnay isbeddelka murugsan ee xukuumadda Muqdisho, taasoo deeqaha u isticmaalaysa ajandayaal siyaasadaysan tan iyo markii la ii doortay mar labaad. Siyaasadeynta Mashaariicda, Barnaamijyada iyo Taageerada Miisaaniyadda Dawladda Puntland ayaa socday 18-kii bilood ee ugu dambeeyey. Dhawr jeer ayaanu arrintan u soo gudbinay bangiyada horumarinta iyo deeq-bixiyayaasha.” Sidaas ayaa lagu yiri qoraalka Puntland ay la wadaagtay beesha caalamka.

Puntland waxay sheegtay hadafka dhabta ah ee Muqdisho inuu yahay khalkhal gelinta Puntland, iyadoo sheegtay in siyaasadeyntu ay wiiqayso ujeeddada ugu muhiimsan ee kaalmada horumarineed ee Soomaaliya loogu talo galay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed