Ciidanka Booliiska Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo lagu eedeeyay inay taageerayeen kooxda Daacish, kuwaas oo laga qabtay magaalada Garowe.
Saddexdan eedeysane oo lagu kala magacaabo, Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad, Fahad Maxamed Abshir, Caamir Cabdi Muuse Cabdi ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen moral-gelinta iyo taageerada kooxaha Argagaxisad ah .
Booliiska Puntland ayaa xaqiijiyay in hadda ay ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah.
Qoraal uu soo saaray Booliisku ayuu bulshada uga digay faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahan yahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh.
Waxay sheegeen in eedeysanayaashu ay wajihi doonaan sharciga, loona gudbin doono maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto.
Warkan kasoo baxay Booliiska Puntland ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay bulshadu caro ka muujiyeen xarig loo geystay Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad oo kamid ah barayaasha magaalada Garowe, islamarkaasna kamid ah saddexda qof ee booliisku ay xireen.