Ciidanka Booliska Puntland ayaa hawlgal ay sameeyeen ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee ee Puntland, kaas oo la sheegay in ay si sharci-darro ah u dhaceen ciidamo isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaas oo horay loo oran jiray PSF.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Gaariga la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd.
โCiidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan,โ ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland.
Dhanka kale, ciidama Booliiska ayaa sheegay in uu Baaritaan rasmi ah socda, iyada oo dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga.
โBooliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono,โ ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland.