Puntland ayaa Warsaxaafadeed kooban oo ay soo saartay ku shaacisay in ay heshiis maxaabiis is weydaarsi la gaartay Somaliland, iyadoo aysan jirin gacan kale oo u kala dab-qaadaysay labada dhinac.
Warsaxaafadeedkan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayay ku sheegtay in labada dowladood isla garteen in maanta oo Taariikhdu tahay 30.04. 2025 ay is weydaarsadaan maxaabiis tiradoodu dhan tahay 26 maxbuus oo ku kala xirnaa magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.