Puntland oo soo bandhigtay Kartooman ay ku jiraan Baco la mamnuucay isticmaalkooda

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada  Puntland ayaa soo bandhigtay Kartooman ay ku jiraan Baco oo ay Wasaaraddu ku sheegtay in ay halis ku yihiin deegaanka iyo bulshada ku dhaqan deegaannada maamulkaas.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Booliska  Puntland ay, “qabteen baco tiro badan oo lagu soo raray baabuur candha-meydle ah, bacaha oo halis ku ah Deegaanka iyo bulshadaba,” Sida lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda.

Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay deegaanka Laacdhere ku qabteen gaari siday Baco, iyada oo soo bandhigeen xilli uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Qabashada Bacahaan ayey Wasaaraddu ku sheegtay, “Go’aankii wadajirka ahaa oo ay hore u soo wadasaareen Wasaaradda Deegaanka iyo Taliska Booliska Puntkand kaas oo lagu mamnuucayey wax kasta oo wax yeelaya Deegaanka in la qabto oo ciddii ku xad gudubta sharciga la horgeeyo.”

Wasiirka Wasaradda Deegaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ay weheliyaan Booliska ayaa fariin adag u diray dadka ka ganacsada bacaha, kuwa soo dhoofiya iyo kuwa iibiyaba, xilli Wasiirka uu sheegay in bacuhu halis ku yihiin deegaanka iyo bulshadaba, isaga oo Booliska faray in ay talaabo sharciya ka qaadaan cidwalba oo lagu qabto wax waxyeelaya Deegaanka.

Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya xilli Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo rogtay go’aan mamnuuca in dalka la keeno Bacaha oo Wasaaraddu ku sheegtay in deegaanka ay halis ku yihiin.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed