Puntland oo sheegtay inay dishay ajaanib katirsan kooxda Daacish

Ciidamada ammaanka ee Howlgalada kawada buuraha calmiska ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay inay dileen dhowr dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish intii lagu guda jiray howlgal milatari oo saakay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Howlgalkan oo la sheegay inuu ahaa mid qorshaysan ayaa sidoo kale lagu qabsaday sida saraakiisha ciidamadu sheegeen 48 fariisimood oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Daacish.

Sida ay saraakiishu sheegeen, aroornimadii hore ee saakay ayaa howlgal qorsheysan lagu dilay dagaalyahanno ajaaniib ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ayaa lagu yiri “Ciidamada ammaanku waxay la wareegeen 48 fariisimood oo ay ku sugnaayeen kooxda IS, iyadoo dhowr dagaalyahan, oo ay ku jiraan ajaaniib, lagu dilay howlgallada ciidamada.”

Howlgalka ayaa haatan galay wajigiisii saddexaad, iyadoo Puntland ay dadaal ugu jirto in kooxda Daacish laga xoreeyo deegaannada buuralayda Calmiskaad.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed