Puntland oo sheegtay in DFS ay deeqaha waxbarasho u diidday ardayda Puntland

Puntland ayaa sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ardayda  reer Puntland u diidday deeqaha waxbarasho ee caalamka looga helo magaca Soomaaliyeed.

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay deeqaha waxbarasho inay qeyb ka yihiin mashaariicda dowladda Federaalka ay ka hor istaagtay dadka reer Puntland sida uu hadalka u dhigay masuulkan.

Agaasimaha tacliinta sare wuxuu sheegay in dowladda Ethiopia ay deeq waxbarasho siisay ardayda Puntland, isagoo uga mahad celiyay, sidoo kale wuxuu sheegay, ganacsatada Puntland ee Uganda ku nool inay damaanad qaadeen inay deeq waxbarasho oo dalka Uganda ah ka bixinayaan ardayda Puntland.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay kaddib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay deeq waxbarasho siisay ardayda kaalimaha sare ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee heer federal.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa kamid ah maamulada sida gaarka ah loogu qoondeeyay deeqo waxbarasho oo dalka Masar ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed