Puntland oo sheegay in ay qabteen Ajaanib katirsan Daacish

Taliska qeybta booliska gobolka bari ee Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari oo lagu soo qabtay Rag ajaanib ah oo lagu sheegay in ay katirsan yihiin Daacish.

Qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in Ragga gacanta Hay’adaha ammaanka ku jira ay gaarayaan labo ruux una kala dhashay Dalalka Suuriya iyo Morooko kuwaas oo lagu kala magacabo Xasan Ibnu Maxamed Ibnu Xuseen & Maxamed Ibnu Maxamed Axmed.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa tilmaamay in ay heleen xogta raggaan kahor inta aan lasoo qaban oo si taako-taako ah ula socdeen ciidamada sida lagu yiri qoraalka lagu daabacay barta Booliiska gobolka bari.

Waxaa la xiray labada Ruux ee Ajnabiga ah ee Daacish katirsan iyada oo lagu wado in lasoo taago Maxkamadda Militariga Dowlad-Goboleedkaas si loogu qaado xukunka ku xusan kiiska lagu soo eedeeyay sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Booliiska  Puntland.

Ciidamada Sirdoonka Puntland oo kaashanaya Booliiska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa muddooyinkii dambe qaybo kala duwan oo katirsan Gobolka Bari waxa ay ka wadeen howlgallo ay kusoo qabteen Dad ay ku sheegeen in ay katirsan yihiin ‘AS’ & Daacish.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed