Wasaaradda Waxabarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka Fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Puntland, kaasi oo ay sannadkan u fadhisteen 8,413 arday, kuwaasi oo ka kooban 4,786 wiilal ah iyo 3,627 gabdhood.
Imtixaanka ayaa sanadkaan waxaa gudbey 7,498 arday oo u dhiganta 89.12% , kuwaasi oo ka kooban 4,266 wiilal ah oo u dhigma (50.70%) iyo 3,232 gabdhood oo u dhigan (38.42%).
Guud ahaan imtixaanka waxaa ku dhacay 816 arday oo dhiganta 9.69% oo isugu jira 463 wiilal ah (5. 5%) iyo 353 gabdhood oo u dhiganta (4.19%), waxaana imtixaanka ka maqnaa oo aan gelin 99 arday oo kala ah; 57 wiil iyo 42 gabdhood.
KCabdiraxmaan Warsame Cali Xasan oo dhiganayey dugsiga sare ee degmada Bareeda ee Gobolka Raas-caseyr, ayaa galay kaalinta 1aad ee sanadkaan, wuxuuna celcelis ahaan ku baasay %98.36,

