Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad sanad dugsiyeedka 2024/25.
Imtixaanka oo ay sanadkaan u fariisteen 15,355, waxaa gudubtey 14,531 arday, halka ay hareen (Dhicid) 531 arday iyadoo 293 kalena aysan soo xaadirin imtixaanka.
Imtixaanka waxaa guud ahaanba sanadkaan kaalinta 1aad u gashay Bushra Maxamed Cabdishakuur oo ka baxday dugsiga Imaamu Nawaawi Garoowe iyadoo ku gudubtey natiijo dhan 98.14%.
Guud ahaan 10-ka boos ee ugu sarreeya waxaa ka soo muuqday 27 arday oo 17 kamid ah yihiin gabdho, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Puntland.


