Taliska ciidanka difaaca Puntland ee ku jira hawlgalka dabar goynta kooxaha nabaddiidka ah ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Cal-miskaad.
Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska hawlgalka Hillaac ayaa lagu xaqiijiyey in la soo afjaray koox katirsanaa firxadka Daacish oo ku dhuumaalaysanayey Godka-curre oo katirsan togga Baalade ee gobolka Bari.
“Allaahu Akbar,Ciidanku waxay soo afjareen Firxadkii Argagixisada ee ku dhuumanayey Godka God-curre oo ku yaala Baallade,wax la dilay iyo wax isqarxiyey noqdeen“Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac.
Dhawaan ayaa hawlgalka Hillaac xaqiijiyey in Daacish laga sifeeyey guud ahaan togga Miiraale oo ahaa halkii ay fariisimada ka samaysteen kadib jabkii Togga Jacayl.