Puntland oo qabtay Rag hubaysan oo Doon watay.

Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay Rag hubaysan oo gaaraya ilaa saddex qof iyo doon nooca kalluumaysiga oo ay wateen waxaana u saarnaa hub & walxa kale oo sharooto lagu dahaaray balse aysan faah-faahin.

Sawirro laga soo qaaday doonta, hubka saarnaa & Ragga lasoo qabtay waxa ay saraakiisha ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland sheegeen in Raggaas ay sameeyeen falal jebinaya awaamiir horay ay usoo saareen.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah uga dhacay Gobolka Raas Casayr waxaana saraakiisha Ciidamada Booliiska Puntland ay tilmaaameen in ay baaritaanno dheeraad ah ku samaynayaan Raggaan si loo ogaado ujeedkooda.

Taliyaha Qaybta Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland u qaabilsan Raas Casayr Gaashaanle Sare Fu’aad Maxamuud Garab-yare oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ciidamado ay hayeen xogta doontaan isla markaana gacanta kusoo dhigeen.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed