Puntland oo qabtay mid kamid ah maxaabiistii ka baxsaday Xabsiga Gaalkacyo

Taliska Qaybta Booliska Mudug Gobolka Mudug oo kaashanaya Laamaha kaladuwan ee amniga ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen mid kamid ah maxaabiistii ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in ninka la soo qabtay lagu magacaabo Cabdiraxmaan Awal Maxamed oo ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaasna ku xukunaa dil toogasho ah.

Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) ayaana ku wareejiyay Xabsiga weyn ee Magalada Gaalkacyo.

Sidoo kale, Laamaha amniga ayaa weli wada howlgallo ay ku baadi goobayaan laba xukumane oo ka baxsaday xabsiga weyn ee Gaalkacyo, kuwaasi oo magacyadooda kala yihiin Cabddiqani Saleeban Jaamac iyo Cabdulaahi Faysal Xuseen.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed