Puntland oo qabatay nin dil ka geystay degaanka Daaru-salaam ee G. Mudug

Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku guulaystay qabashada nin ku eedaydan dil saaka ka dhacay degaanka Daaru-salaam ee degmada Galdogob oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa xaqiijiyay in Taliska Booliska Gobolka Mudug uu gacanta ku dhigay eedaysanaha islamarkaana hadda lagu hayo Rugta Booliska Daaru-salaam.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Shiikh Cali ayaa lagu caddeeyay qabashada Cali Khaliif Xirsi oo ku eedaysan dilka marxuum Maxamed Arbaco kaasi oo saaka lagu dilay Daaru-salaam.

“Waxaan u mahad celinayaa Taliska Booliska Gobolka Mudug  oo ku guulaystay qabashada Eedaysane Cali Khaliif Xirsi oo ku eedaysan Dilka Marxuun Maxamed Arbaco oo saaka lagu dilay degsiimada Daarasalaam” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed