Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay hawlgallo xooggan oo ciidanka difaaca Dowladda Puntland maanta ka sameeyeen deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Hawlgalkii maanta oo intiisa badan ka dhacay togga Baallade ayaa ciidanku ku dileen in ka badan 3 xubnood oo ajaaniib ah iyagoo gacanta ku dhigey argagixiye u dhashay dalka Suuriya.
“Waxaa i haysa gaajo daran, waxaa ila socdey laba nin oo kale waxayna ka beqeen Ciidamada”, Sidaasi waxaa yirin Maxbuus katirsan kooxda DaacSH oo ciidanka difaaca Puntland maanta ka qabteen buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

