Ciidamada Puntland ee PMPF ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen doon siddey budooyinka laga sameeyo qaraxyada, taas oo lagu qabtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Ciidamada PMPF ayaa xusay in budooyinka ay qabteen ku jiraan noocyada lagu farsameeyo qaraxyada waxyeelada ba’an geysta, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen.
Sidoo kale ciidamada waxay tilmaameen in ay doontaas wateen todoba ruux oo labo ka mid ah u dhasheen dalka Yemen, halka shanta kalana yihiin Soomaali, kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu hayo.

