Puntland oo Markabkii huba siday keentay Dekedda Boosaso

Laamaha ammaanka badaha Puntland ayaa dekedda Boosaaso soo gaarsiiyey markabka Sea World oo maalinimadii shalay lagu qabtay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raas-casayr, iyadoo siweyn caawa loo sugay ammaankiisa.

Markabkaan ayaa baaritaanada hordhaca ah ee lagu sameeyey muujinayaan inuu sido sahay Milatari, hub iyo gaadiid dagaal ayaa la sheegay inuu ka soo shiraacday deked kutaalla wadanka Turkiga, kuna wajahnaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in markabkaan oo dabaylaha xeebaha kaga soo dhuuntay Bareeda lagu samayn doono baaritaan dheeraad ah ayna dowladdu xogtiisa la wadaagi doonto shacabka.

Wasiirka gaashaandhigga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo mar wax laga waydiiyey macluumaadka Markabkaan oo la sheegay in lagu wareejin lahaa dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed