Puntland ayaa soo saartay wareegto rasmi ah oo lagu mamnuucayo adeegyada shirkadda khamaarka ee 1xBet iyo isticmaalka kaararka gaarka ah (Private Numbers) ee ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay in adeegyada shirkadda 1xBet ay kasoo horjeedaan hab-dhaqanka bulshada iyo shuruucda Puntland, sidaas darteedna si buuxda looga mamnuucay dhammaan deegaannada maamulkaas.
Sidoo kale, shirkadaha isgaarsiinta ee Golis, Somtel, iyo Amtel ayaa lagu faray inay si degdeg ah uga shaqeeyaan hirgelinta awaamiirta ku cad wareegtadan. Waxaa lagu amray inay joojiyaan isticmaalka adeegsiga kaararka loo yaqaan Private Numbers, kuwaas oo loo arkay kuwo carqalad ku ah amniga.
Goโaankan ayay madaxtooyada Puntland ku sheegtay inuu qayb ka yahay dedaalka lagu xaqiijinayo ilaalinta hab-dhaqanka bulshada, xoojinta amniga, iyo u hoggaansanaanta sharciga.
Dhawaan ayay ahayd markii shirkadaha isgaarsiinta Puntland ay sheegeen in aysan awood u lahayn joojinta qamaarka 1XBET, iyagoo sheegay in aysan xakamayn karin.
Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan soo jeediyay in shirkadaha isgaarsiinta lagu qasbo inay hawada ka saaraan Apps-ka shirkadaha Qamaarka.