Puntland oo laga daah-furay Ololaha Daaweynta Xoolaha

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa maanta ayaa daah-furay Ololaha Taageeridda Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono wajiga kowaad 750,000 oo Neef, isla markaana kamid ah xoolaha ku dhaqan gobolada Puntland.
Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf (Buux), Wasiirka Caafimaadka Siciiid Qorsheel, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac, Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daaweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.
Madaxweyne ku-xageenka dowladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka anba bixiyo dhaqaatiir soo daaweyndoona qaar kamid ah Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteena loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkoda.
Ugu danbayn, ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhaqaatiirta ayuu kula dar-daarmay inay xil iska saaaran howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay, isgoo tilmaamay inuu rajjo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed