Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa shacabka la hadlay ayaa ku dhawaaqay in la soo afmeeray wejigii 2aad ee dagaalka buuraleeyda Cal-miskaad looga ciribtirayo kooxda Daacish.
Madaxweyne Siciid Deni waxa uu sheegay in hawlgalka wejigiisii 2aad oo ka soo bilowday Tuurmasaale oo maanta ku dhammaaday deegaanka Dhasaan, wuxuuna ciidamada ku amray inay guda galaan wejigiisa saddexaad oo la qorsheeyey qaabkiisa inta laga soo afmeerayo kooxda Daacish.
“Waxaan rabaa maanta inaan halkaan uga dhawaaqo in wejigii labaad uu soo gabagaboobey, sidoo kaleetana berrito oo 28-ka ah uu wejigiisii 3aad bilaaban doono oo qorshihiisa ay hayaan saraakiisha ciidamada Puntland”.