Puntland oo ku dhawaaqday wajiga 2aad ee howlgalka Buuraha Calmiska

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu billaaban doono wejigii labaad ee dagaalka ka dhan ah IS oo ka billaaban doono buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari.

Deni oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay cutubyo cusub oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa waxaa uu sheegay in ay xoojin doonaan dagaalka.

“Waxaan ku dadaaleynaa sidii loo soo afjari lahaa dagaalka AS iyo Daacish, waxaan dooneyna in geyiga Puntland laga ciribtiro dhammaan deegaannada maamulkaasi” ayuu yiri  Saciid Deni.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay dadaallada looga hortagayo dadka Ajanabiga ee sharci darrada ku jooga dhammaan deegaannada Puntland.

“Waa in la hubiyaa cid kasta oo ajanabihii oo joogeysa Puntland, Daacish kaliya maaha kuwa buuraha saaran” ayuu yiri Deni

Hadalka Madaxweynaha Puntland, ayaa ku soo aadaya xilli dagaalka ka dhan ah AS uu ka socdo deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Bari gaar ahaan buuraha Caalmiskaad.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed