Puntland oo ka jawaabtay war ka soo baxay DFS

Puntland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeraya madaxda Hay’adda SoDMA kaas oo ahaa in ay Puntland geynayso raashin mucaawin ah oo loogu talagalay dadkii ka soo qaxay dhulka ay ka socdaan howlgaldu ee buuraha calmiska gobolka Bari.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Puntland ayaa sheegatay inaysan jir wax ay ka ogtahaya deeq ay Puntland u soo dirayso dowlada Soomaliya waxayna ka digtay in deeq aysan ogeyn aysan ka soo dagi karin dhulka Puntland .

”Gargaar aan la soo marin Puntland kama soo degi karo xuduudkeeda ,Bada iyo Hawada Puntland” Wasiir Marwo Ubax Cabdirashiid ayaa sidaas ka tiri shir sharaa’ad ee ay ku qabatay magaalada Boosaso.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed